Arsenal iyo Chelsea ayaa ku dhow inay kali ku noqdaan dagaalka loogu jiro saxiixa Alvaro Morata, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Italy.
Weeraryahanka reer Spain ayaa la joogay kooxda Juventus labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, lakiin waxaaa laga yaabaa inuu ka dhaqaaqo xagaagan,
Wariyaha sida weyn loo Ixtiraamo ee katirsan Sky Sport Italia, Gianluca Di Marzio, ayaa sheegay in labada koox ee ka dhisan London Chelsea iyo Arsenal ay yihiin kooxo halis ah oo qaadan kara xiddigan, halka Juventus jeclaan lahaayeen in isaga uu ku soo laabto Turin.
Arsene Wenger ayaa bartilmaameed xoogan ka dhigtay Weeraryahanka Spain, ka dib markii uu seegay Jamie Vardy – kasoo u muuqda in uu go’aansaday sii joogida Leicester City.
Tababaraha Gunners ayaa aad ula socanaya bandhiga ciyaaryahanka uu ka sameynayo Euro 2016, laakiin wuxuu umuuqdaa mid dagaal kula geli doona saxiixiisa kooxda ay xafiltamaan ee Chelsea.
Inkastoo, Tababaraha kooxda Stamford Bridge Antonio Conte, uu heysto Diego Costa, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu isha ku hayo saxiix kale oo cusub inuu kuso daro kooxdiisa.
Morata ayaa ahaa weerarka ugu weyn kooxda Juventus labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, laakiin kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa ku dhibtoon doonta in ay sii heystaan.


