Ospina oo Doonaya In Heshiis Dhan €3.5 million Uu Ugu Dhaqaaqo Besiktas

Goolhayaha aan booska joogtada ka heysan garoonka Emirates Stadiun David Ospina ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo hooryaalka dalka Turkiga gaar ahaan kooxda Besiktas.

Arsenal ayaa u baahan €3.5 million si ay u diraan goolhayahooda reer colombia  sida ay ku warantay majaladda ciyaaraha ee Fanatik.

Besiktas ayaa la aaminsan yahay in aysan ka bixin kareynin qiimahaasi ninka lagu magacaabo David Ospina balse waxaa la shaaciyay in kooxda reer Turki ay diyaar la tahay aduun lacageed gaaraya €2 million.

David Ospina ayaa xulkiisa Colombia u qabtay kaalin muhiim ah kadib markii uu badbaadiyay isku dayo farabadan oo goolal naqan karay.