Mudaaharaad 6 Qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Mexico

Qaar ka mid ah ururka macallimiinta ee CNTE oo lagu yaqaano taariikh xagjirnimo ah ayaa jidgooyooyin dhiganayay koonfurta dalka Mexico tan iyo markii la xiray masuuliyiin ururka macallimiinta.

Xukuumaddu waxay sheegtay in booliisku ay isku dayayeen in ay nadiifiyaan wadooyinka markaasna rag aan la garanaynin ay xabbad ku fureen labada dhinacba si ay u abuuraan qas iyo isku dhac.

Taliyaha ammaanka qaranka ee Mexico ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in booliiska ka qaybqaadanayay hawlgalka agagaarka magaalada Nochixtlan aysan wadanin hub.

Warshadda shidaalka ee Pemex oo ay dawladdu leedahay ayaa sheegtay in Jimcihii in laga yaabo in ay joojiso sifayntii shidaalka ee agagaarkaas ay ka waday haddii uu sii xirnaado oo jidgooyooyinku ay sii yaalaan wadada way nee isku xirta Oaxaca iyo magaalada caasimadda ah ee Mexico City.