Weeraryahanka reer Colombia iyo kooxda Ac Milan Carlos Bacca ayaa waxaa uu go’aamiyey mustaqbalkiias kooxda reer Taliyaani isagoo go’aansaday inuu kooxdiisa sii joogidoono.
Xidigaan ayaa wax badan ka sameeyey kooxda Ac Milan , laakiin waxaa lala xiriirinayey qaar kamid ah kooxaha ka dhisan England, Italy, Spain, Germany and France.
Sidoo kale 29-sano jirkaan waxaa lala xiriiriyey kooxda PSG , balse hada waxaa uu go’aansday maadaa kooxdiisa isbedel cusub gashay inuu iska joogo xilli ciyaareedkaan.
”Wax badan ayaa leey sheegay in kooxo badan ay i baadi goobayaan, ama ay iisoo gudbinayaan dalabyo cajiib ah,” ayuu Bacca u sheegay Milan TV.
”Runta waxaa ay tahay , inaad wali qaadan wax go’aan ah, waxaan ku faraxsanahay halkaan, waxaana isku diyaarinayaa bilowga xilli ciyaareedka soo socda, waxaana rajeeynayaa inaan ku bilaabano si wanaagsan.
”Waxaan isku qabaa kalsooni aad u sareeysa xilli ciyaareedka soo socda, waxaan jeclahay inaan si fiican isku fahano Macalinka , waan jeclahay kooxda iyo Magaaladaan.



