DAAWO WARBIXINTA:-Cali Guudlaawe oo taageero Caalami ah u helay dagaalka Al-shabaab ee ka socda G.Sh.Dhexe

Maamulka Hirshabeelle ayaa helay taageero calami ah oo ku saabsan dagaalka culus ee Alshabaab ku soo qaaday Gobolka Sh/Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe oo maalmihii danbe ku jiray abaabulka beelaha iyo ciidamada Gobolka Sh/Dhexe si ay uga hortagaan weerarrada Alshabaab ku heyso degaanadiisa ayaa helay taageero iyo garab istaag calami ah.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley  ayaa kulan qaab fogaan arag ah u dhacay habeen hore la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar dib ugu laabtay shirkaas dartiis.

Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegtay in Kulanka safiirka iyo Guudlaawe looga hadlay howlgalka dagaal ee ka socda Hirshabeelle, iyadoo Safiirka Mareykanka Amb. Richard uu wehliyay Col. Norris oo ah madaxa isku-duwaha kooxda howgalka Soomaaliya.

Halkan ka Daawo Warbixinta oo Dhamestiran:-