Duqeyn lagu garaacay deegaanka Laba-garas ee G/Sh/Dhexe.

Duqeymo xooggan ayaa maanta lagu garaacay degaanka Laba-garas oo ku yaalla bannaanka degmada Cadalle ee gobolka Shabeellada dhexe.

Saraakiil iyo maleeshiyaad taabacsan Al shabaab ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen goobta la duqeeyay oo ahayd Kaymo adag oo ay gabaad ka dhiaganayeen

Khasaaraha ka dhashay duqeyntaas lama oga balse dadka deegaanka ayaa wariyay in dhowr Madfac oo aad u xoog badan lagu garaacay halkaas.

Dowladda Soomaaliya ma aysan ka hadlin duqeynta dhacday iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

Shabeellada dhexe waxaa ka socda guluf xooggan oo ka dhan ah Al shabaab, kaasoo ay wadan ciidanka xoogga dalka oo kaashamaya maleeshiyada degaanka, waxaana gulufkaan barbar soconaya duqeymaha saaxiibada caalamka.