Cabdi Rashiid Janan oo Diyaarad gaar ah ka qaadey Kismaayo

Wasiirkii Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan) oo Maanta gaarey Kismaayo ayaa la sheegay in isla maanta diyaarad gaar ah ay ka qaadey halkaas.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad Millateri oo ka timid kenya ay wasiirka u qaadey magaalada Nairobi oo la ilayo in saacadaha soo socda ay ka dejiso.

Lama oga sababaha keeney safarka deg dega ah ee uu Cabdi Rashiid Janan ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka kenya,hayeeshee waxaa Nairobi ku sugan Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

31-kii Bishii Agoosto ee Sanadkii 2019 ayaa Dowladda Soomaaliya ay xirtey Cabdi Rashiid Janan xilli uu ka dhoofayey Garoonka diyaaradaha Mudisho,hayeeshee 28-kii Bishaan ayey taliye kuigeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ay sheegtey in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa.