Neymar ayaa door fiican kulahaa in xulka Brazil uu 5-0 ku xaaqo Bolivia kulan ka tirsanaa is reeb reebka koobka aduunka oo ka dhacay magaalada Natal.
11 daqiiqo ayey Brazil ku qaadatay goolka koowaad kaas oo uu dhaliyay xidiga Barcelona ka hor inta uusan shaqadood door ka qaadan goolal ay dhaliyeen Filipe Luis iyo Gabriel Jesus.
Philippe Coutinho oo safka Brazil ka xoogay Willian ayaa sidoo kale dhaliyay mid ka mid ah 4 gool oo ay Brazil dhalisay qeybtii hore ee ciyaarta.
Neymar ayaa dhaliyay goolkiisii 49 aad ee xulka waa weyn ee Brazil isagoo dhaafay Zico xaga farqiga goolasha ee xulka waa weyn ee Brazil.
Xiisadoodii qeybtii hore waxaa qeybtii labaad wax kusoo kordhiyay ninka badalka kusoo galay ee Roberto Firmino kaas oo ciyaarta kadhigay 5-0 daqiiqadii 75 aad.
Tani waxaa ay aheyd guushii sadexaad intii uu xilka hayay tababarte Tite, waxaana ay hada labaad kaga jiraan Group-kooda.
Bolivia ayaa wali ku socota rikoor xumada kulamada banaanka mana aaney soo badin 51 kulan oo isku xigta oo ay safreen.


