Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in dib u dhac uu ku yimid Qorshihii ahaa in isku dhaf lagu sameeyo Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay sababta dib u dhaca ugu yimid in Ciidanka isku dhaf lagu sameeyo ay tahay Dagaalada lagula jiro ururka Al-shabaab.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in isku dhafka Ciidanka hada uu ka socdo Gobolada qaar ee Dalka, sidoo kalena la sii dar dar gelin doono arrimahan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn saraakiisha Ciidanka Dowladda ugu baaqay in ay dar dar geliyaan isku dhafka lagu sameynayo Ciidanka Dowladda.


