Boqolaal guryahooda uga cararay dabka California

Dab si xawli ah ku fidaya ayaa boqolaal dad ah ku qasbay in ay isaga tagaan guryahooda oo ku yaala buuraha waqooyiga Los Angeles, California, sida ay dawladdu sheegtay.

Dabka ayaa sabtidii ku fiday dhul gaaraya 20,000 oo aykar, isaga oo qiiq ku faafiyay qaybo ka mid ah deegaanka Los Angeles.

Ilaa saddex boqol oo ruux ayaa laga daad gureeyay agagaarka magaalada Santa Clarita.

Goobihii lagu dabaalan jiray ee dadwaynaha ee Pasadena iyo Glendale ayaa loo xiray qiiqa iyo dambaska ka caya awgood.

Dabka waxaa sii hurinaya cimilada oo aad u kulul iyo dabaylo xoog badan oo dhacaya.

Dabka ayaa galinkii dambe ee jimcihii ka kacay Sand Canyon oo u dhaw Santa Clarita kaddibna dabaylaha ayaa durba u kaxeeyay dhanka Angeles National Forest.

Ilaa 900 oo dabdamis ah ayaa isku dayaya in ay dabka damiyaan waxaana caawinaya diyaarado ay qaarkood yihiin kuwa qumaatiga u kaca kuwaas oo soo daadinaya biyo iyo waxyaabaha dabka damiya ama xakameeya.

John Tripp oo ah ku xigeenka madaxa dab damiska degmada Los Angeles, ayaa sheegay in ku dhawaad 1,000 guri ay hadda ku jiraan halis balse haddii ay xaaladdu la sii darto ay halis gali doonaan 45,000 guri oo ku yaalla San Fernando Valley.

Waxaa la soo daad gureeyay 400 oo xayawan ah si dabka looga badbaadiyo.