Booliska UK oo xiray nin Soomaali ah

UK-RisaalaFM- Ninkan Soomaaliga ah ee haysta dhalashada dalka Holland ayaa Talaadadii la soo dhaafay lagu xiray garoonka diyaarahada Stansted Airport ayaa maanta waxaa la soo taagay maxkamad ku taala dalka Ingiriiska ka dib markii lagu eedeeyay in uu weerar ka geysan rabay magaalada London.

Ninkan oo lagu magaacabo Aweys Faqay ayaa la soo qabtay Talaadadii la soo dhaafay kadib markii uu isku dayay in uu u duulo magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga ka dibna halkaasi uu kaga sii biro kooxda Daacish ee ka dagaalanta wadamada Ciraaq iyo Syria.

37 jirkan ayaa maanta waxa uu ka soo muuqday maxkamada Westminster Magistrates’ Court ee xaafada Tottenham, ee waqooyiga magaalada London.

Ninkan oo haysta dhalashada dalka Holland ayaa ku dhashay Soomaaliya waxa uuna leeyahay laba xaas iyo shan carruur ah, iyadoo mid ka mid ah xaasaskiisa ay degan tahay dalka Kenya.

Aweys faqay oo deganaa dalka ingiriiska ilaa sanadkii 2013-kii qaadiga maxkamada maanta la soo taagay ayaa dib waxa uu u dhigay dacwada ninkan heysta dhalashada Holland ilaa iyo 9 bisha June ee soo socota.