Booliska Somaliland oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay bannaanbaxyada

Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa faah faahin guud ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay bannaanbaxyadii Maanta xisbiyada mucaaradka Somaliland ay dhigeen, kaas oo ay uga soo horjeedeen Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Taliyaha howlgaleinta Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye guute Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa sheegay in bannaanbixii Maanta ay ku dhinteen Saddex qof oo shacab ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 62 Askari oo katirsan Ciidamada Somaliland.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay u diyaar garoobeen banaanbaxa loo ogolaaday labada Xisbi, balse ay diideen madaxada Xisbiyada, isla markaana Maanta ay ku banaanbaxeen meelo kamid ah Goobihii loo ogolaaday.

Sidoo kale wuxuu sheegay in banaanbaxayaasha oo qaarkood hubeysnaa ay dagaal ku qaadeen Ciidamadii booliska Somaliland ils markaana banaanbaxayaasha ay ku xad gudbeen nimaadkii loo diyaariyay taas bedelkeedana ay dhibaato geysteen.

Uu dambeyn Taliyaha wuxuu sheegay in 27 qof oo Shacab ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen banaanbayadii Maanta gaar ahaan kuwii ka kala dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Ceerigaabo, isla markaana Ciidamada ay xireen in ka badan 100 Ruux oo loo heysto rabashadihii dhacay ayna mas’uul ka yihiin Xisbiyada mucaaradka.