Booliiska dalka Brazil ayaa xiray ku dhawaad 40 ruux oo lala xiriiriyay dambiyo kala duwan oo ku aadan in ay ka ganacsadaan Daroogadda.
Dadkaan ay qabteen Ciidamada Booliska ayaa badankood waxa ay ku sugnaayeen bartamaha magaalada Sao Paulo
Booliis tiradooda lagu qiyaasay 500 ayaa ka qaybqaatay hawlgalkaas.
Howlgalkaan ayaa ah midkii ugu xooggaana ee abid laga fuliyo dalkaasi.
Duqa magaalada Sao Paulo, Joao Doria ayaa sheegay in hawlgalkani uu soo afjaray isla xisaabtan la’aantii ka jirtay aagaas oo ay dad badani u yaqaannaan Cracolandia ama Crackland.



