Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Sheekh Axmed Maalin ahna gudoomiyaha qaban qaabada Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay Sababta keentay in dib loo dhigo Caleema Saarka Madaxweyne Xaaf.
Sababta dib loogu dhigay Caleema Saarka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ka maqan ,islamarkaana lagu waday in uu ka qeyb galo Caleema Saarka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona Magaalada Cadaado si uu uga qeyb galo Caleema Saarka sidoo kale waxaa ka qeyb gali doona Caleema Saarka Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha la caleema Saari doono 27-da bishaan.


