kooxda Rennes ayaa la ogaanaya iney soo diiday dalab ku kacaya £27 million kaas oo ay kooxda Barcelona ka gudbisay 18 jirka weerarka ka ciyaara ee Ousmane Dembele.
Kooxaha kale ee Chelsea, Tottenham iyo Arsenal ayaa xiiseynaya xidiga loogu doon doonista badan yahay ee kubada cagta, xili ciyaaryahankan uu sheegay inuu doonayo ka ciyaarida horyaalka Spain.
Bayern Munich iyo Juventus ayaa sidoo kale doonaya da’yarkaan, halka Liverpool,Leicester, Sunderland iyo Southampton ay sidoo kale dawadeen qaab ciyaareedkiisa.
Dembele — ayaa lala mel dhigaa Cristiano Ronaldo — waxaana uu xili ciyaareed cajiib ah ku qaadanayaa horyaalka France isagoo 14 kulan oo uu kusoo bilowday dhaliyay 9 gool, waxana kulankiisii ugu horeeyay uu saftay bishii November.
Xidigan ayaa sidoo kale sedexley dhaliyay qeybtii koobaad ee kulankii ay kooxdisa 4-1 kaga badisay naadiga Nantes ee horyaalka France.
18 jirkaan ayaa kamid ah qaranka France ee da’doodu ka hooseyso 19-ka sano, waxaana la shaaciyay in kooxdisa aysan ku iibin doonin qiimo ka yar £8million.


