Ousmane Dembele ayaa kusoo bilaaban kara kulanka Real Sociedad, iyadoo Catalans ay bilaabaneyso markale ololaheeda difaacashada horyaalka La Liga galabta.
Weeraryahanka reer France ayaa xilli ciyaareedkii hore Barcelona ugu soo wareegay 105 milyan euro kooxda ka dhisan Germany ee Borussia Dortmund.
Inkastoo uu ku dhibtooday bilowgiisa La Liga haddana wuxuu dhaliyay gool cajiib ah kulankii kooxda tababare Ernesto Valverde 2-1 kaga badisay Sevilla Spanish Supercopa.
21 jirkaan ayaa waxaa uu ku jira qaab ciyaareed wanaagsan, isagoo is faham fiican la sameynaya Lionel Messi iyo Luis Suarez.
Sergi Roberto ayaa dib ugu dagaalmi kara booskiisa khadka dhexe, iyadoo Nelson Semedo uu kusoo bilaaban karo daafaca midig.
Saxiixyada xagaaga ku cusub Barcelona Clement Lenglet, Arthur, Arturo Vidal iyo Malcom ayaa dhamaantood kursiga keydka fadhiyay kulamadii lasoo dhaafay, iyadoo Philippe Coutinho la filayo inuu booskiisa rasmiga ah kusoo laabto.
Real Sociedad ayaa la filayaa inay ciyaarto kulankaan iyadoo ay ka maqan yihiin Wakaso, Manu Garcia iyo Daniel Torres oo ah seddex ciyaaryahan oo qadka dhaxe ah.
Ruben Sobrino ayaa fursad u heli doona inuu ka ciyaaro doorka lamabraka sagaalaad ee kooxdiisa kulanka galabta.
XAQIIQADA KULANKA
Barcelona ayaan looga badinin garoonkeeda kulamada La Liga xilli ciyaareedkii hore, waxayna ku dhawaatay inay xilli ciyaareedka ku dhameysato iyadoo aan wax guul darro ah soo gaarin.
Waxay kaliya hal guuldaro kasoo gaartay Levante kulamadii 37aad ee La Liga xili ciyaareedkii hore.
SHAXDA MACQUULKA AH
Barcelona XI: Ter Stegen; Semedo, Pique, Alba, Umtiti; Rakitic, Busquets, Sergi Roberto; Suarez, Messi, Dembele
Alaves XI: Pacheco; Duarte, Laguardia, Maripan, Aguirregabiria; Gomez, Torres, Garcia, Wakaso, Jony; Sobrino.
Ciyaartaan waxaa la daawan doonaa 5:15 PM galabta



