Barakac ka socda Xaafada Haanta dheer

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Haanta dheer ee degmada Hodan ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii halkaasi kunoolaa ay bilaabeen in ay barakacaan.

Barakac ballaaran ayaa ka socda xaafadda Haanta Dheer halkaasi oo ay ku dagaalamayaan ciidamo ka tirsan Militariga iyo ciidanka xasilinta oo saaka aroortii weerar qorsheysan halkaasi ku qaaday.

Dadkii kunoolaa Xaafaddaasi ayaa halkaasi, waxaa kasoo daabulaaya Gawaari.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa wali Xaafadda Haanta Dheer oo dagaalka uu ka socdo, waxaana la isku adeegsanaayaa hubka nuucyadiisa kala duwan.