Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo bilaabatay

Doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa goordhow ka bilaabatay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa dooranaya Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ka dib markii ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.

Goobta ay ka dhaceyso doorashadda ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ,maamul goboleedyadda iyo Beesha Caalamka.