Banaanbax maanta ka dhacaya Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacaya Banaanbax lagu taageerayo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, sida ay Risaala u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka.

Banaanbaxan ayaa waxa uu ka dhici doonaa Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere, waxaana isugu imaan doona Dadweyne isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka oo soo qaban qaabiyay Banaanbaxan ayaa waxaa la filayaa Mas’uuliyiintooda ugu sareysa in ay ka qeyb galaan, si ay halkaasi uga jeediyaan khudbado iyo hadalo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xireen afarta jiho ee soo gala halka uu ka dhacayo Banaanbaxa, iyagoo Gawaarida Dadweynaha u diidaya in ay maraan halkaasi, maadaama la doonayo in amniga la adkeeyo.

Sawirada Banaanbaxan iyo Codadka kala soco Radiorisaala.com Insha Allah