Caruur Gaajo ugu geeriyootey Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Godinlabe ee Goboka Galgaduud gaar ahaan Tuulooyin halkaasi Hoosyimaada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay caruur ugu geeriyootey Gaajo iyo Haraad.

Caruurta Gaajada iyo Haraadka ugu geeriyootey Degaanka Godinlabe ee Goboka Galgaduud gaar ahaan Tuulooyin halkaasi Hoosyimaada ayaa Da’dooda waxa ay u dhaxeysay 4 sano jir ilaa 10 sano jir.

Warkan waxaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay Dadka Degaanka oo aan la xiriirnay.

Qaar ka mid ah dadka halkaasi ku nool ayaa waxa ay Dowladda Federalka, Maamul Goboleedyada Hoose iyo Hay’adaha gar gaarka ka codsadeen in ay kaalmo u fidiyaan, si loo badbaadiyo dadka halkaasi ku dhimanaya.