Farmaajo oo maanta soo cumreysanaya “SAWIRRO”

Sacuudiga-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta soo cumreysanaya, kahor inta aanu booqan Magaalada Madiina Al-munawara oo uu ku yaallo Qabriga Nabigeena Muxamad (NNKH).

Farmaajo ayaa si toos ah ugeli doona Kacbada, isagoo gudanaya Acmaasha Cimrada, wuxuuna halkaasi ku sugnaan doonaa dhowr saacadood oo ah inta uu soo dhameysanayo Cibaadada, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal halkaasi ku sugan.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa booqashadiisa kadib waxa uu dib ugu soo laaban doonaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wadooyin badan oo ku yaalla Magaalada Riyaadh waxaa lagu xardhay Calanka Soomaaliya oo ku lamaaneysan Calanka Sacuudiga, taas oo looga gol lahaa soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada Amiir Maxamed Bin Naa’if iyo qaar ka mida golaha Wasiirada Sacuudiga, waxayna labadan masuul ka wada hadleen, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasada iyo Arimaha Bulshada.

 

Farmaajo q Farmaajo q1 Farmaajo q2 Farmaajo q3 Farmaajo q4 Farmaajo q5