Leicester City Oo Iska Caydhisay Tababaraheedii Claudio Ranieri

Kooxda Leicester City ayaa go’aan ku gaadhay in ay shaqada tababarnimo ee kooxdeeda ka caydhiso  Claudio Ranieri sagaal bilood oo kaliya kadib markii uu kooxdeeda u soo qaaday koobkeedii ugu horeeyay ee horyaalka Premier Leaque-ga. Kadib markii ay xili ciyaareedkii hore si lama filaan ah ugu guulaystay koobka Premier Leaque-ga ayay Foxes dib ugu soo laabtay in ay ka dagaalanto heerka labaad.

Mustaqbalka Claudio Ranieri ayaan lugo adag ku taagnayn tan iyo bilawgii xili ciyaareedkan markaas oo ay Leicester City bilawday dib u dhac aad u wayn waxayna hadda ka mid tahay kooxaha sida xun uga cabsanaya in ay heerka labaad u dhacaan.

Guuldaradii xalay Leicester City ka soo gaadhay Champions Leaque-ga ee kulankii Sevilla ayaa maamulka kooxda Leicester City ku qasabtay in ay  Claudio Ranieri shaqada ka caydhiyaan.Kubbada cagta 9 bilood waxay ku tahay waqti dheer waxaanad dareemi kartaa in dhamaadkii xili ciyaareedkii la soo dhaafay ay Leicester City aduunka ka yaabsatay isla markaana uu Claudio Ranieri ahaa tababarihii ka soo qaaday heerka maanta ay ku jirto oo kale isla markaana koobka ay taariikhda ku dhigeen ugu soo guulaystay.

Leicester City ayaan wali hal gool ka dhalin horyaalka Premier Leaque-ga sanakdan 2017 waxayna 18 dhibcood oo ay heli kareen ka soo shaqaysteen hal dhibic oo kaliya waxaana boogta iyo nabarada Foxes cusbo kulul sii marisay kooxda heerka shanaad ee  Millwall oo iyada oo toban ciyaartoy ahayd leicester City ka cidhibtirtay FA Cupka.

Maamulka Leicester City ayaa bishan codka kalsoonida siiyay Claudio Ranieri laakiin markii ay xaaladu ka soo rayn wayday ayay si deg deg ah u badaleen go’aankooda waxayna Claudio Ranieri kala raaceen laba dariiq oo kala duwan. Waa xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah oo shaqada tababaranimo laga caydhiyo macalin ku soo guulaystay koobka Premier Leaque-ga waxaana Claudio Ranieri ka horeeyay Jose Mourinho oo isna ay Chelsea shaqada ka caydhisay kadib markii uu xili ciyaareedkii ka horeeyay uu u soo qaaday koobka PL.

War saxaafadeed ka soo baxay Leicester City ayaa lagu yidhi: ” Kooxda kubbada cagta Leicester City waxay caawa oo khamiis ah kala tageen tababarahii kooxda kowaad ee Claudio Ranieri.  Claudio waxaa tababaraha loo magacaabay July 2015 wuxuuna Foxes  xili ciyaareedkii hore uu ku hogaamiyay guushii kooxda ugu waynayd 133 sanadood oo ay taariikhdeedu jirtay iyada oo aan ku gulaysanay koobka horyaalka England markii ugu horaysay. Wax su’aal ahi kama taagna in uu ahaan doono tababarihii abid ugu fiicnaa”.

Gudoomiye ku xigeenka Leicester City ee  Aiyawatt Srivaddhanaprabha ayaa yidhi: “Kani waa go’aankii ugu adkaa ee qasabka nagu noqday in aanu gaadho ugu dhawaan muddo todoba sanadood ah ee tan iyo la wareegistii mulkiyada King Power Stadium ee Leicester City, laakiin waxaa na saaran waajibaadka ah in aanu mustaqbalka dheer ee kooxda ka saraysiino dareenka shaqsinino,iyada oo aan la eegayn awooda uu shaqsigu leeyahay”.