Jowhar-RisaalaFM- Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen in ay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.
Xildhibaanadan oo gaaraya ku dhowaad 50 ayaa Madaxweyne Cosoble waxa ay ku eedeeyeen in uu ku kacay eedeymo ay ka mid yihiin xil gudsho la’aan, la tashi la’aan, ku takri fal awoodeed.
Afhayeenka xildhibaanada saxiixay Mooshinkan C/wali Sheekh Cali ayaa ka warbixiyay eedeymaha ay u soo jeedinayaan Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.
Mooshinkan la sheegay in laga gudbinayo Madaxweyne Cosoble ayaa salka ku haya Golaha Wasiirada ee uu dhowaan magacaabay, inkastoo xildhibaanada ay beeniyeen in ay ka soo horjeedaan Golaha Wasiirada.
Wariyaha Risaala ee Degaanada Maamulka Hirshabeelle C/raxmaan Cali Direy ayaa warkan Magaalada Jowhar inooga soo diray.


