Banaanbax ka bilaawday Beledweyne & khasaaro ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi uu ka bilaawday banaanbax ay dhigayaan qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa la sheegay inay kasoo horjeedaan Maamulka Hir-Shabeelle, waxaana ay ku dhawaaqayeen Hir-Shabeelle dooni meeyno iyo Erayo kale.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay dhagxaan waawyen dhigayeen wadooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne, iyaga oo mararka qaar dhagxaan ku tuuraya Goobaha Ganacsiga qaarkood.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Beleweyne ay rasaas ku fureen banaanbaxayaasha, waxaana jira dhaawacyo ka dhashay rasaastaas oo ay ku jirto Haweeneey ay grigeeda ugu tagtay rasaasta.

Saaka Waaberigii hore ayaa Guud ahaan wadooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Bledweyne waxaa lagu arkay Gaadiidka dagaalka Ciidamada dowladda & kuwa AMIOSM,kuwaas oo bandow Magaalada Saaray sidoo kalena dad badan xirxiray,wallow markii dambe Ciidamada Xeryahooda ay dib ugu laabteen.