Puntland oo u digtay dadka banaanbaxyada dhigaya

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan dadka dhigaya banaanbaxyada ee gubaya laamiga ama mararka qaar dhagxaanta ku tuuraya goobaha Ganacsiga.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dadka banaanbaxa dhigayay ay soo abaabuleen dad sharwadayaal ah oo doonaya inay dalka burbiriyaan.

Shir jaraa’id oo uu Warbahinta ugu qabtay Magaalada boosaaso ayuu sheegay in Ciidamada Booliska ay ku amran yihiin  inay gacanta ku dhigaan tallaabana ka qaadaan qofkii laami guba si sharciga loola tiigsado.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in banaanbaxayaasha ay ku jiraan dad kasoo horjeeda nabad ka jirta gobolka Bari oo meelo kale laga soo abaabulay, waxaana uu uga digay dadkaasi inay ka digtoonaadaan.

Hadalka Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli shalay banaanbax rabshado watay uu ka dhacay Magaalada Garoowe, isla markaana Madaxweynaha Puntland uu sheegay in dadkaasi ay soo abaabuleen gacamo shisheeye tallaabana ka qaadi doonaan.