Banaadir iyo Jubbaland oo ku balansan Tartanka Maamul goboleedyada

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Garoonka kubada cagta Banaadir Stadium ku balansan kooxaha Banaadir iyo Jubbaland oo ciyaari doona kulan ka tirsan Afar dhamaadka Tartankaa Maamul Goboleedyada dalka.

Tartankan ayaa waxaa uu ahaa mid loo sameeyay Labo Group oo kala ah Group A iyo Group B.

Groupka A Waxaa ku wada jiray kooxaha kooxaha Banaadir, Puntland iyo Koonfur Galbeed, halka Groupka B ay kuwada jireen kooxaha Jubbaland, Galmudug iyo Hiiraan Sh/Dhexe.

Tartankan waxaa isaga haray kooxaha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana hada Afar dhamaadka Tartankan wada jooga kooxaha Banaadir, Puntland, Jubbaland iyo Hiiraan Shabeelaha Dhexe.

Galabta waxa wada ciyaari doona Banaadir oo kaalinta koowaad Groupka A uga soo baxday iyo Jubbaland oo Groupka B kaalinta Labaad uga soo baxday, waxaana kulanka uu yahay mid xiiso badan.

Kooxahan galabta ciyaaraya kooxdii guul gaarta ayaa ugudbi doonta kama dambeysta Tartankan, waxaana ay sugi doontaa midii soo baxda kulanka beri dhexmari doona kooxaha Puntland iyo Hiiraan Shabeelaha Dhexe.

Taageerayaasha Labada dhinac ee kulankan ayaa waxa ay yihiin kuwo isku diyaarinaya ciyaarta, iyagoo kala taageeri doona kooxaha galabta ciyaari doona.

Ciyaartan ayaa Galabta Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium waxa ay ka bilaaban doontaa saacadu marka ay tahay 04:00 Galabnimo.