Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa markale ku celiyay in ciidamada Kenya xasuuq ba’an aysan ka geysan deegaanada gobolka Gedo, waxii ka dambeeyay markii weerarka loogu geystay deegaanka Ceel-cadde.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in been abuur uu yahay wararka warbaahinta ay baahiyeen iyo hadalada dadka qurbo joogta Jubbaland ay sheegayaan, kuna saabsan duqeymaha Kenya ka geysatay deegaanada Gedo.
Duqeymaha Kenya ayuu sheegay in seddex ruux kaliya ku dhinteen, haddii ka badan la keenaya isaga uu qaadayo masuuliyada duqeynta, sida uu hadalka u dhigay.
“Arinta duqeynta Kenya waa borobogaando iyo dacaayad aan sal iyo raad toona laheyn, ciidamada Kenya iyaga ayaa Ceel-cadde ayaa lagu dhameeyay, waxaan hubaa afar neef oo xoolo ah iyo seddex ruux ayaa ku dhintay duqeynta Gedo, haddii la helo wax intaa ka badan anigaa masuuliyada qaadaya”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ay ka warbixiyeen qasaaraha duqeymaha ciidamada Kenya ay geysteen, kadib markii ay xaqiiqda ogaadeen.


