Kulan xalay hayadaha amaanka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in amaanka caasimada Soomaaliya lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir, waxii hadda ka dambeeyana lagula xisaabtami doono.
Taliyaha Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare, oo shir jaraa’id u qabtay saxaafada kulanka kadib, ayaa si cad u sheegay in hadda waxii ka dambeeya amaanka Muqdisho lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, taliska ciidamada booliska, Nabad sugida iyo wasaarada amniga ayaa ka qeyb galay kulanka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Gobolka Banaadir waa inuu amniga masuul ka noqdaa, magaaladan amnigeeda cidna haku haleynine, caalamka sida amaanka sida amaanka loo sugo ayaa amaanka caasimada loo sugi doonaa” ayuu yiri Tuuryare.
Taliyaha nabad sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada nabad sugida hadda kadib ay caawin doonaan oo kaliya maamulka gobolka Banaadir, iyaga oo usii gudbaya deegaanada kale ee gobolada dalka sida uu hadalka u dhigay.
“Maamulka gobolka Banaadir annaga waan caawineynaa, waxii hadda ka dambeeya waxaa masuul amniga ka ah maamulka gobolka Banaadir, degmooyinka gobolka ayaana masuul ka ah amniga caasimada Soomaaliya”ayuu hadalkiisa kusii daray.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Mr Muungaab ayaa horey u dalbaday in amaanka caasimada lagu wareejiyo maamulka gobolka, si amaanka uusan isku haleyn u galin.


