Axmed Madoobe oo dardaarankii u dambeeyay u jeediyay Xildhibaanada Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sagootintii ugu danbaysay u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

Munaasabadan oo quraac sharaf ahayd ayaa waxaa Madaxweynahu uu ugu talo galay in uu ku sagootiyo Xildhibaanada la doortay oo maanta u duulaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.

Madaxweynaha ayaa quraacda kadib khudbad dheer u jeediyay Xildhibaanada taas oo isugu jirtay dar-daaran iyo talo uu diirada ku saaray Marxalada ay Somaliya maanta ku jirto iyo sida ay u yihiin dadkii ay masuuliyada ka saarayd samata bixinta dalka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan mar kale kulano tan iyo markii la idin doortay waxaan aad ugu hanweynahay in aad noqotaan kuwii na anfici lahaa oo dadka Soomaaliyeed ay u aayi lahayeen” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dowlada Jubbaland ayuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo samayn lahaa xiriir joogta ah oo dhex mara Xildhibaanada Jubbaland laga soo doortay iyo Jubbaland kaas oo asal ay u tahay midnimada iyo wada jirka umada.

“Aniga ka Madaxweyne ahaan waxaan idiin balan qaadayaa in aan iska warqabno oo si joogta ah aan u wada xiriiro taas oo ah in aynu waxii wanaag ah dalkeena ku Hogaamino” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Arimaha amaanka ayuu sheegay in ay tahay in ay aad u foogjig naadan oo ay ka taxadaraan dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan gaar ahaan xiliga kala guurka ah oo uu sheegay in xildhibaanada ku cusub shaqada ay uga baahan tahay la qabsi isagoo xusay in cadawga umadu uuna doonaynin in Soomaaliya ay nabad noqto sidaas darteedna ay Xildhibaanada Cusub taasi ka caawin doonto in ay ka shaqeeyan sidii loo heli lahaa hanan wanaagsan oo cadawgaas umada lagaga hor leexinayo.

Wuxuu Madaxweynahu xusay in Jubbaland ay bilaabayso duulan lagu xoraynayo Caasimada Maamulka ee Bu’aale isagoo xusay in Xildhibaanada la doortay ee deeganka looga baahan yahay in ay doorkooda ka qaatan.