Ciidamada Hay’adda Nabadda Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Maanta gacanta kusoo dhigay Dhalooyin Khamri ah oo lagu haayay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ayaa Soo Qabtay 74 Jawaan oo ay ku jireen dhalooyin Khamri ah.
Saraakiisha Hay’adda NISA ayaa Saxaafadda u soo bandhigay Khamrigaasi waxa kale oo ay sheegeen inay bartilmaameedsan doonaan meel kasta oo Khamrigaasi oo kale lagu haayo oo Muqdisho ka tirsan.


