Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta waxaa ay dib ugu soo laabteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere),Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland iyo qaar kamid ah Bulshada Magaalada Kismaayo.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wafdiga Axmed Madoobe ay qeyb ka yihiin Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ahaa Xubnihii Isbedel-doonka Jubbaland ee heshiiska la gaaray Axmed Madoobe iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Jubbaland.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ahaa Xubnaha ugu sareeye Isbedel-doonka Jubbaland uu ku haray Magaalada Naitobi sababo aan la sheegin.
Axmed Madoobe iyo Cabdi Rashiid Xidig oo haatan ku sugan Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inay goordhow Warbaahinta la hadlaan.



