Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmada Khardho

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-gudoomiyey shir
looga hadlayey saamaynta baaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay si deg deg wax looga qabto.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Guddiga Gurmadka Magaalada Khardho ayaa waxaa uu daba socdaa xilli Magaalooyinka Puntland iyo deegaannada kale ee dalka ay ka socdaan howlo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Magaalada Khardho.