Atletico Madrid ayaa war aan fiicneyn ka heshay xiriirka Spain kadib markii loo sheegay in macallinkeeda Diego Simeone lagu riday ganaax 3 kullan ah oo u diidaya inuu kasoo ag-dhowaado caalamadda loogu talo-galay tababarayaasha.
Kullankii isbuucan ee Malaga ayaa garoonka laga saaray hogaamiyahan reer Argentine,kadib markii uu ku xad-gudbay shaqaalaha Malaga oo uu ugu galay booskooda.
“Sababa la xiriira inuu khal-khal iyo rabshad sameeyay ayay guddiga anshaxa ee La Liga-ha ganaaxan ugu rideen Simeone” sidaas ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen xiriirka Spain.