Iyadoo Wasaaradda cadaalada dowladda Soomaaliya ay maalmihii udambeeyay waday kulamo ay ku qabaneysay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulamadaas looga hadlayay sidii dadka oo dhan ay uheli lahaayeen cadalad, loogana ilaalin lahaa cadaalad darada.
Waxaana maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay waxgarad iyo Odayaal, iyagoo kulankooda uga hadlay sidii cadaalad darada shacabka heysata ay uga bixi lahaayeen.
Mursal C/raxmaan Guuleed oo ka mid ah waxgaradka shirkan ka qeyb galay ayaa waxa uu baaq ujeediyay madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhowaanahan Wasaaradda cadaalada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay waday sidii dadka si siman loogu adeegi lahaa garsoorkana uu uheli lahaa amni wanaagsan.


