Askar lagu toogtay Afgooye

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Afgooye.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Ciidanka la dilay ayaa ka tirsanaa Kuwo qaadda canshuuraha , waxaana lagu dilay Isgoyska Baar Ismaaciil.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen dilka ka dib, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana halkaasi ka bilaabay howlgallo.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan geysta dilalka qorsheysan ee Ciidanka dowladda ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale degmada Afgooye.