Arsenal Oo U Dhaqaaqday Soo Xero Gelinta Xidig Ka tirsan Villarreal

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa maalmihii u danbeeyay suuqa ka baadi goobaysay xidig ka ciyaara weerarka qadka dhexe, si uu kooxda uga caawiyo in ay gaarto guulo waa wayn.

Tababare Unai Emery ayaa tan iyo markii uu xagaagan kusoo biiray Gunnera ka dhigay koox u dagaallami karta tartamada ay ka qayb galayso.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda The Sun ayaa shaaca ka qaadday in Arsenal ay bartilmaameedsanayso xidiga kooxda Villarreal ee Pablo Fornals.

Kooxda Emirates ayaana diyaar u ah in ay Fornals heshiiskiisa soo idlayso, kaas oo qanadaraaskiisa lagu burburin karo adduun dhan 17.8-malyan oo lacagta ganiga istarliinka ah.

Arsenal ayaa kaliya Mesut Ozil u haysata qadka dhexe ee weerarka, Unai Emery ayaana doonaya in uu kooxda keeno xidig kale oo kubadda gaarsiin kara Aubameyang iyo Lacazette.

Balse wargayska ayaa intaas ku daraya in aysan kooxda LaLiga weli ka jawaabin xiisaha xidigeeda uga imaanaya kooxda reer London.