Laacibkan ku guulaystay koobka adduunka ayaa tan iyo suuqii xagaaga lala xiriirinayay in uu isaga dhaqaaqi karo kooxda Old Trafford.
Paul Pogba ayaa tan iyo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay aysan isku wanaagsanayn tababaraha Man United Jose Mourinho, taas oo keentay in ay saxiixiisa saf usoo galaan kooxaha ugu magaca weyn qaaradda yurub.
Wargaysyada ayaana aad u hadal hayay maalmihii u dambeeyay kulan Pogba iyo Leonel Messi ay ku yeesheen magaalada Dubai oo labada xidigba ay fasax ku joogaan.
Saxaafadda ayaana isla dhex qaadday warka ah in Messi uu xidigii hore ee Juventus uu ku qalqaalinayo in uu kula biiro Barcelona, maadaam uu xidigani ku qanacsanayn sii joogista United.
Si kastaba ha ahaatee, Corriere dello Sport ayaa baahisay in Paul Pogba uu sheegay in uu doonayo in uu ka dhaqaaqo Manchester United si ugu biiro Juventus.
Warkan ayaana ka dhigan in xidigan ku wanaagsan ka ciyaarista qadka dhexe ay ka go’antahay in uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Juventus, maadaama ay xagaagan soo qaadatay Cristiano Ronaldo.



