Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa dul dhigtay €100m oo u dhiganta £88.7m madaxa laacibkeeda Ousmane Dembele, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.
21-jirkan mustaqbal ifaya kuma sii lahaan doono garoonka Camp Nou, iyadoo shakigii hareeyay mustaqbalka xiddiggan ay hadda u badatay in ay iibiyaan xagaaga soo aaddan.
Dembele ayaa lasoo baxay dabci aad u liita, isagoo caadeystay inuu tababarka kasoo daaho, taasoo keentay in dhowr jeer safka Barcelona kullamada qaar u ciyaara uu ka reebo Macallin Ernesto Valverde.
Sida ay ku warramayso Sport, Barca ayaa dhowr jeer ku canaanatay dabciga qalafsan xiddiggan, hase ahaatee, maamulka kooxda waxa ay fahansanyihiin inuusan xiddiggan is beddeli doonin.
Si la mid ah, in xiddiggan uu sameyn waayo horumar ayaa ka dhigeysa in Barcelona ay iibiso dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana ay ku dooneysaa qiimo dhan £88.7m.
Kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ayaa horraan laacibkan kusoo iibsatay qiimo lacageed dhan £135.5m oo ay ku jiraan gunnooyin markii ay xagaagii 2017 kasoo qaateen kooxda Borussia Dortmund.
Liverpool iyo Arsenal ayaa laacibkan si aad ah loola xiriiriyay, iyadoo bilawgii toddobaadkan uu Macallin Jurgen Klopp lagu soo warramay inuu diyaar u yahay u dhaqaaqista xiddiggan marka la gaaro bisha January.



