In ka badan Afar arday oo ka tirsan jaamacadda Moi ayaa la sheegay in ay ku bireen ururka Al-shabaab.
Ardeyda jaamacdeed ayaa la waayey tan iyo Bishii November 2015 tiradoodu mareysaa 8 ardey Waaana wali Baadi Goob ugu Jira Waalidkood, waxaana qaar ka mid waalidiinta ay sheegeen in ay cabsi ka qabaan in ay ku bireen Alshabaab.
Walwalka ka haya dhanka ardeyda ayaa Kenya ku biloowday kadib markii la ogaaday in ardey ka baxay Jaamacada Nairoibi uu hogaaminayay Ciidankii Alshabaab ee weerarku ku qaaday Jaamacada Gaarisa Sanadii Hore.
Guddoomiyaha gobolka Uasin Gishu Abdi Hassan ayaa sheegay in waalidiinta lagu caawinayo baaritaanka ay wadaan islamrkaana loo xaqiijin doonaan in ay ku bireen Alshabaab iyo inkale waxaana Sidaas laga soo xigtay The Star , bishii June ee sanadkii hore ayaa lagu arkay qaar ka mid ah arday oo kujira baraha kooxda daacish iyo Alshabaab.