ANTHONY MARTIAL ayaa lagu soo waramayaa inuu sii joogi doono Manchester United inkastoo uu isbuucyadii ugu xumaa qandaraaskiisa kooxda kujiro.
xiddiga reer France ayaa horaantii xagaaga u sheegay wakiilkiisa inuu u raadiyo koox cusub, isagoo doonaya inuu ka tago Old Trafford kadib markii uu boos ka waayay shaxda kowaad ee Jose Mourinho.
Martial oo kaliya hal sanno kaga haray qandaraaskiisa haatan, ayaa kaliya 18 kulan ciyaaray 38 kulan oo Premier League ay ka ciyaartay United xili ciyaaareedkii hore.
Waxa uu sidookale 90 daqiiqo ciyaaray kaliya shan jeer intii lagu jiray xili ciyaraeedkii 2017-2018.
Si kastaba ha ahaatee, Martial oo ugu dambeyn ku soo laabatay tababarka United shalay ayaa diyaar u ah inuu sii joogo kooxdiisa haddii uu ka helayo booska joogtada ah.



