Ka dib qaab ciyaareed wanaagsan oo uu sameeyay 19 jirka khadka dhaxe ee Matteo Guendouzi, waxay keentay inuu fursad u helo ciyaartooyda u taagan shaxda koowad ee tababare Unai Emery.
Kalsooni uu sameeyay kulamadii saxiibtinimo ayaa keentay inuu noqdo mid kamid ah ciyaartooyda sida lama filaaanka ah ugu soo bixi kara shaxda koowaad.
Waxaa jira sababo lagu dooran karo Matteo Guendouzi ka dib markii uu door muhiim ah ka qaatay kulankii Chelsea ee todobaadkii hore.
Tababare Unai Emery ayaa soo xushay line-up xoog leh kulankii Aviva Stadium, iyadoo Guendouzi uu ka soo baxay booska khadka dhaxe oo uu la ciyaaray Mohamed Elneny iyo Emile Smith-Rowe.
Labada da’yar ee Smith-Rowe iyo Guendouzi ayaa haatan kamid ah ciyaartooyda boos ka heli karta shaxda tababaraha cusub ee Arsenal Unai Emery.



