Barcelona ayaa ku dhawaaqday saxiixa Arturo Vidal oo kaga yimid kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich, iyadoo la filayo in ciyaaryahanka tijaabada caafimaadka maro.
Barcelona ayaa heshiis la gaartay Bayern Munich si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chile Arturo Vidal.
Warar ka imaanaya Spain ayaa sheegay in Barcelona seddex sanno oo heshiis ah oo aan la shaacin qiimaha uu ku kacayo ay la gaartay Vidal.
Vidal, oo 31 sanno jir ah, ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda heysata horyaalka Spain maalmaha soo socda.
Waxa uu Bayern kaga soo biiray Juventus sannadkii 2015 isagoo ku guuleystay horyaalka Bundesliga seddexdii xilli ciyaareed ee uu ku sugnaa Jarmalka.
“Barcelona waxa ay waqti gaaban ku wargelin doontaa qof walba imaatinka ciyaaryahanka iyo ajandaha heshiiska” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda.



