Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay xilli maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacaayeen Qaraxyo ay ku dhinteen dad Shacab ah.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay Wadooyinka Magaalada Muqdisho waxaana ka socda baaritaano kala duwan oo Ammaanka lagu xaqiijinaayo.
Wadooyin hor leh oo ku yaalla Muqdisho ayaa lasoo dhigay dhagaxaan waa weyn.
Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale Wadooyinka ku diyaariyay Gawaari loogu tala galay in lagu qaado dadka xanuunsan xilliyadda ay xiran yihiin Wadooyinka.



