Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Cadaado oo ah Caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Galmudug.
Wadooyinka laga soo galo Magaalada ,xarunta maamulka Galmudug uu ku shaqeeyo iyo dhammaan Kontoraalada Magaalada ayaa la geeyay Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad Suggida.
Ciidamada ayaa dadka Shacabka ugu baaqaya in ay dhaqdhaqaaqa yareeyaan Maadaama doorashada Madaxweynaha Galmudug ay Berri ka dhaceyso Magaalada Cadaado.
Qof ka mid ah dadka kunool Magaalada Cadaado ayaa Risaala u sheegay in saaka ay ka duwan tahay sidii ay Cadaado ahaan jirtay , islamarkaana lagu arkaayo ciidamo badan.
Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Galmudug oo ah Saddex nin ayaa shalay Khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadkooda waxa ay ka horjeediyeen Xildhibaanada Galmudug.
Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in magaalada Cadaado midkood uu noqdo Madaxweynaha Galmudug Saddexda Musharax ee kala ah Cabdiqaadir Maxamed Shirwac, Axmed Ducaalle Geelle” Xaaf” , Axmed Shariif Hilowle.


