Kenya oo Xaqiijisay in Shabaab ay dileen Kenyaankii ku biiray

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Xarakada Al-Shabaab ay khaarajiyeen tiro ka mid ah dhalinyaradii Kenyaanka aheyd ee  ku biiray Al-Shabaab  ka dib markii ay uga shakiyeen in ay yihiin Basaasiin.

Sidoo kale dowladda Kenya waxa ay sheegtay in ay jiraan dhalinyaro badan oo Kenyaan ah oo ay Al-Shabaab ka qorteen Keymaha Booni ee dalka Kenya.

Agaasimaha Howlgalka Linda Boni ninka lagu magacaabo James Ole Seriani ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhalinyaro badan Kenyan ah ay dileen intii u dhaxeysay bilihii Apriil iyo March ee Sanadkaan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin Basaasiin ay u dirsadeen Al-Shabaab , laakiin dhalinyaradaasi ay ahaayeen kuwo iskood Al-Shabaab ugu biiray.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan toogta dadka ay ku eedeeyaan in ay ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo kale kuwa Soomaaliya Ama in ay Basaasiin yihiin.