Muqdisho-RisaalaFM- Al-shabaab ayaa weerar khasaaro badan gaystay waxa ay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku taala deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan.
Safaarada dowladda Itoobiya ee ku taala magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in weerarkaasi ay soo qaadeen Al-shabaab lagu qaarsiyay khasaaro Badan, waxaana safaarada ay xaqiijisay in Al-shabaab dagaalka looga dilay Dagaalayahano gaaraya 120.
Sidoo kale warka ka soo baxay safaarada ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay Afar jiho ka soo weerareen xerada laakiin ciidamada AMSIOM oo u diyaarsanaa in ay ka hortagaan weerarada nuucaan oo kale ah ay fashilyeen weerarkaas.
Al-Shabaab ayaa dhankooda waxa ay qirteen in weerarkaan looga dilay Dagaalyahano badan inkastoo faah faahin badan aysan ka bixin.
Al-Shabaab ayaa horay weeraro nuucaan oo kale ah waxay ka gaysteen xarumo ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.


