Kooxaha Kubada Cagta Ee Juventus Iyo Real Madrid ayaa laga yaaba inay is badal dhanka macalinka ay galaan iyadoo arinkaan ay tahay hadal Heynta ugu weyn ee warbaahinta ay daabaceeso.
Sida Lagu Daabacay Football Italia waxaa jira wada hadalo hoose oo u dhaxeeya kooxda Real Madrid iyo Macalin Allegri kasoo ku aadan qaabki uu ku imaan lahaa caasimada Spain ee Madrid sanadka dhamaadkiisa.
Halka Sido kale la warinaayo Juventus Inay ka baaraan dageeso badalka Allegri kasoo ay u arkaan Zidane oo Horay u soo maray kooxda Juventus Intu U dhaxeysay 1996-2001 asagoo ciyaariyahan ah Ka hor inata uusan ku biirin kooxda Real Madrid oo uu waqti wacan la sii qaatay.
Luciano Moggi oo ahaan jiray agaasimaha kooxda Juventus ayaa arin sir ah banaanka soo dhiga waxa uuna sheegay inay Zidane Iyo Allegri isbadal sameen doonaan marki uu dhamaado xagaagan.
“Tababare Max Allegri ayaa xagaaga dambe Real Madrid qabanaayo halka Zinedine Zidane ayuu Juve imaanayo” sidaas waxaa sheegay agaasimahii hore Juventus Luciano Moggi.
Sheekadaan ayaa xiiso gaar u yeeleysa Hadal heyna warbaahinada Isbuucyadaan oo dhan.



