Waa kuma macallinka Ferguson uu u doorri lahaa Manchester United ?

Tan iyo markii shaqada tababarennimo ee Manchester United laga ceyriyay Jose Mourinho, waxaa soo if baxay tiro macallimiin ah oo lala xiririyay shaqada macalinnimo ee kooxdaas.

Haddaba tababarihii hore ee Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa isna maanka ku haya hal macallin oo uu arko inuu noqon karo hooggaamiye wanaagsan, kaasoo ku habboon shaqada macallinnimo ee Manchester United.

Sida ay werrineyso The Sun, Ferguson ayaa doortay macallinka Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino, kaasoo uu arko inuu yahay mid ku habboon kooxda Manchester United.

Labada shaqsi ee kala ah Ferguson iyi Pochettino ayaa waxa ay ku kulmeen magaalada London halkaas oo ay casho ku wada qaateen, balse waxaa lagu soo warramayaa in macallinka reer Argentina uu iska diiday shaqada Old Trafford.

Waxaa Red Devils sii hooggaamin doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan Ole Gunnar Solskjaer kaasoo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan hooggaamin doona kooxda.

Sir Alex Ferguson oo 2013 ka shaqo fariistay maamulitaanka kooxda Manchester United ayaa jeclaan lahaa in kooxda ay ka dhigto tababarahooda xiga maamulaha Spurs ee Mauricio Pochettino.