Maxaad kala socotaa saddexda bartilmaameed ee United leedahay bisha January ?

Maadaama xilli ciyaareedkan kooxda Manchester United laga dhaliyay 29 gool, 17 kullan oo Premier League, waxa ay raadineysaa suuqa kala iibsiga in ay difaacyo cusub kasoo qaataan.

Waxaa liiska musharraxiinta difaacyadaan ka mid ah xiddigo badan, balse saddex ciyaaryahan ayaa ay United ka dhiganeysaa bartilmaameedka koowaad.

Toby Alderweireld

Difaaca kooxda Tottenham Hotspur ayaa muddo fog bartilmaameed u ah kooxdan, waxaana uu iska diiday heshiis cusub inuu u saxiixo kooxdiisa Spurs, si United uu ugu biirro.

Kooxda ka dhisan wuqooyiga London ayaa go’aansan karta in bisha January ay ka iibiyaan xiddigga reer Belgium kooxda Manchester United si ay kaga helaan lacago toos ah, iyadoo lagu heli karo £30m.

Kalidou Koulibaly

Napoli difaaceeda ayaa waxa uu yahay mid shiishka United saaran bilihii ugu dambeeyay.

Si kasto oo ay ahaataba, kooxda ka ciyaarta Serie A ayaa ku qiimeysa xiddiggeeda £90m si bisha soo aaddan ay isaga iibiyaan.

Keliya Napoli ayaa suuro gelin karta heshiiskan inuu dhaco oo uu Koulibaly ku biro United, haddii ay dhimaan lacagta lagu heli karo.

Eder Militao

Wiilka Porto u ciyaara ayaa isna liiskan ku jira.

20-jirkan ayaa waxa uu xilli ciyaareedkan noqday mid si joogto ah kaga qayb qaata ole’olaheeda, waxaana xusid mudan in lagu heli karo £40m.