Al-Shabaab oo saacado kooban la wareegay degaanka Ceeldheere

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceeldheere ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degaankaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dad ku sugan Ceeldheere ayaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho waxa ay u sheegeen in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Ceeldheere.

Deegaanka Ceeldheere ayaa 30KM u jira Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidanka dowladda ayaa xalay dib ula wareegay Magaalada ka dib markii ay ka baxeen Al-Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday.